Doorasho Lagu Sheegayo Doorashada Wejigii 1aad Ee Xildhibaannada Aqalka Sare Ee Somaliland Ayaa Maanta Dhacday

 

29-09-2021

 

MUQDISHO – Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa laga soo sheegayaa in Maanta lagu qabtay Doorasho lagu sheegayo Doorashada Wejigii 1aad ee Xildhibaannada Aqalka Sare ee Somaliland, iyadoo Jamhuuriyadda Somaliland laga dhigayo iney tahay Qeyb kamid ah Jamhuuriyadda Soomaaliya isla markaana leys moogeysiinayo Go’aankii 18dii Maajo ee Magaalada Burco ee Sanadkii 1991dii, kaasoo ahaay in laga baxay Midowgii 1da Luuliyo ee Sanadkii 1960kii; lana noqday Jamhuuriyadda Somaliland.

Warka wuxuu ku darayaa in kuwa Maanta loo qabtay Doorashada la sheegayo, in ay ku tartameen Lix Kursi oo kamid ah 11da Kursi ee la sheego in Somaliland ay Xaq u yeelatay.

Warka wuxuu kusii darayaa in kuwa kusoo baxay Lixdii Kursi ee Maanta, iney ahaayeen kuwa soo socdo: 1) Cabdi Xaashi Cabdillaahi, 2) Saalax Axmed Jaamac, 3) Cabdi Ismaaciil Samatar, 4) Cusmaan Abokar Dubbe, 5) Leyla Axmed Ismaaciil, iyo 6) Bilaal Idiris Cabdilaahi.

Sideedaba, Jamhuuriyadda Soomaaliya waxaa ay ka koobnaa jirtay 8 Gobol (Jubada Hoose, Jubada Sare, Banaadir, Hiiraan, Mudug, Bari, [Waqooyi Bari iyo Waqooyi Galbeed oo hada ah Somaliland ]) markii ay abuurantay 1-dii Luuliyo sanadkii 1960-kii. Hase ahaatee, hada waxey Jamhuuriyadda Soomaaliya ay ka kooban tahay 6 Gobol laga bilaabo 18dii Maajo, Sanadkii 1991dii, waxaana keenay iney ka koobnaato, iyada oo Goboladii Waqooyi Bari iyo Waqooyi Galbeed ay dib ula noqdeen Madaxbanaanidoodii isla markaana ay noqdeen Jamhuuriyadda Somaliland.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa Wararka Caalamka, gaar ahaana Wararka Jamhuuriyadda Soomaaliya (Siiba Gobolkii Banaadir: Shabeellaha Hoose, Muqdisho, iyo Shabeellaha Dhexe), Jamhuuriyadda Somaliland, Jamhuuriyadda Jabuuti, Degaanka Soomaali Galbeed, iyo Degaanka NFD (Northern Frontier Districts).

 

Leave a Reply