Dil Loo Geystay Qof Soomaali Ahaay

 

29/09/2021

 

Burcad hubeysnaa oo Koofur Afrikaan ahaay, ayaa waxey Xalay Goobtiisa Ganacsi ku dhex dileen Qof Soomaali ahaay. Waxaa kale ay dileen Gabar u dhalatay Dalka Koofur Afrika oo u shaqeyneysay Soomaaliga.

Ganacsadaha Soomaaliga ee Xalay lagu dilay Dalka Koofur Afrika, ayaa waxaa Magaciisa lagu soo koobay Axmed. Degaanka lagu dilay Ganacsade Axmed waxaa lagu magacaabaa Ga-Mawa Block 7, wuxuuna udhow yahay Magaalada Tzaneen oo katirsan Gobolka Limpopo ee Dalka Koofur Afrika.

Wararka waxey sheegayaan in Xilliga uu Dilka dhacayay ay Dhalinyaro kale oo Soomaali ah ay ku-sugnaayeen Dukaanka Dilka ka dhacay. Wararka waxey kusii dareen in Dhalinyaradii Soomaaliga ahaay ay Cagahooda kaga baxsadeen Burcada, kadibna Burcadii hubeysnaa ay qaateen Lacago badan iyo Agab kale oo Dukaanka yaalay.

Booliiska Dalka Koofur Afrika ayaa Dilka kadib gaaray Goobta lagu dilay Ganacsadihii Soomaaliga ahaay iyo Gabarti Koofur Afrikaanka aheyd, waxeyna Baaritaano ka sameeyeen Goobti ay Burcada iskaga baxsadeen. Weli ma jirto wax Natiijo ah oo kasoo baxay Baaritaankooda.

Koonfur Afrika waxaa si joogto ah uga dhaca Dilalka loo geeysanayo Ganacsatada Soomaali, iyada oo ilaa iyo hada aysan jirin Talaabo looga hortagayo Dilalkaas oo ay qaadeen Dowladaha Soomaaliya iyo Koofur Afrika oo marwaliba sheega iney wax ka qabanayaan Dhibaatada loo geysto Dadka Soomaaliga ah.

Xigasho: Hiran Online

Leave a Reply