Weerar Ay Al-Shabab Kusoo Qaadeen Saldhig Ciidan

 

28-09-2021

 

XUDUR – Xarunta Gobolka Bakool ee Xudur ayaa laga soo warinayaa inuu ka dhacay Dagaal u dhexeeyay Al-Shabaab iyo Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Dagaalka ayaa bilowday marki ay Al-Shabab soo weerareen Saldhiga Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Degmada Xudur, waxaana ku xigtay Dagaal Xoogan oo la isku adeegsaday Hubka noocyadiisa kala duwan.

Dad ku sugan Dgmada Xudur ayaa waxey Warbaahinta u sheegeen in Dagaalka oo aad u cuslaa, uuna socday Muddo ku dhow Saacad, balse aysan si rasmi ah u xaqiijin karin Qasaarahii ka dhashay.

Saraakiil katirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen inay iska difaaceen Weerarkii kaga yimid Dhinaca Ururka Al-Shabaab, isla markaana uu dagaal kooban uu dhacay, ayna Al-Shabaab ku gaarsiiyeen Qasaaro xoogan.

Xigasho: Daafeet News

Leave a Reply