Mudanayaasha Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland Oo Ansixiyay Xeerka Aasaaska Hay’adda Shaqaalaha

 

 

28/09/2021

 

HARGEYSA (SOLNA) – Fadhigii Golaha Guurtida ee Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shirguddoominaayay Guddoomiyaha Golahaasi Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa Mudanayaasha Golahaasi waxa ay meel mariyeen Xeerka Aasaaska Hay’adda Shaqaalaha iyo Maamulka Shaqaalaha Dawladda ee Xeer Lanbar 97/2021.

Fadhigaasi oo ay ku sugnaayeen 49 Mudane ayaa marki Cod Gacan Taag ah loo qaaday waxa oggolaaday Xeerkaasi 40 Mudane, waxa diiday 6 Mudane, waxa ka aamusay 2 Mudane, Guddoomiyuhuna muu codeyn, waxaana sidaas Golaha Guurtidu uu ku meel mariyay Xeerka Aasaaska Hay’adda Shaqaalaha iyo Maamulka Shaqaalaha Dawladda.

Geesta kale, Xildhibaan Axmed Daahir Jirde oo kamid ahaa Mudanayaashii joogay Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland markii Xeerkaasi la ansixinayay ayaa sheegay in Xeerkani uu Ahmiyad Weyn u leeyahay Maamulka Shaqaalaha Dawladda Somaliland, gaar ahaan kuwa Hawlgabka ah, kuwa Curyaamiinta ah, Illaalintooda iyo Dallacsiintooda, iyo guud ahaanba Anshaxmarinta Shaqaalaha Dawladda.

Leave a Reply