Waxaa Kordhay Qasaarahii Ka Dhashay Qaraxii Magaalada Kismaayo

 

28-09-2021

 

KISMAAYO – Faah-faahino dheeri ah ayaa kaso baxaya Qarax Caawa Fiidkii ka dhacay Maqaaxi ku taala Xarunta Dowlad Goboleedka Jubaland ee Kismaayo.

Qaraxa ayaa ka dhacay Maqaaxi lagu nasto oo loo yaqaan Xeebta Cagaha Gali oo ay Dad Shacab ahi ku cawaynayeen.

Qasaaraha ka dhashay Qaraxaas ayaa gaarya 5 Qof oo isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac. Dadka wax yeeladu sooo gaartay ayaa u badan Dadkii Shacabka ahaa ee ku sugnaa Goobta.

Xigasho: Goobjoog News

Leave a Reply