Qarax Ka Dhacay Bartamaha Magaalada Gotanburug Ee Dalka Iswiden

 

28/09/2021

 


Qarax ka dhacay Guri ku yaal Göteborg. sawir: Björn Larsson Rosvall / TT

 

GOTANBURUG, Iswiden – Qarax ayaa wuxuu Saakay ka dhacay Magaalada Gotanburug (Göteborg: Gothenburg) ee Dalka Iswiden, kaasoo keenay sida lagu soo waramayo, in Dad gaaraya 25 Qofood loola cararo Isbitaalada.

Hay’adda Badbaadinta ayaa iyadane sheegtay iney jiraan Dad iyagune ka soo booday Dariishadaha (Daaqadaha) Guriga, si ay Dabka ugu badbaadaan.

”Waxaan marka hore maqalnay Dad qeylinaya,” ayuu yiri Kristofer oo kamida Dadka ku nool Guriga Qaraxu ka dhacay.

Isha Warkan: Radio Sweden, Somali Section

 

Leave a Reply