Dil Ay Geysteen Ciidanka Ilaaladda Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland

 

28-09-2021

 

GAROOWE – Ciidamada ilaalada gaarka ee Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu soo waramayaa in Xalay ay Magaaladda Garoowe ku dileen Gabar dhalinyaro ahayd.

Allah ha u naxariistee Gabarta, waxaa lagu magaacabi jiray Maryan Axmed Caato. Dilkeeda ayaa yimid ka gadaal markii Gaari ay saarnayd uu dhexgalay Kolonyo gaadiid ah oo galbinayey Deni.

Dhowr Xabadooda ayaa haleelay Gabadha, taasi oo sababtay Geerida Maryan Axmed Caato, oo kamid ahayd Dhalinyarada ugu firfircoon Garoowe. Deni illaa hadda kama uusan hadlin Dilkeeda.

Deni ayaa ku jira Olole Doorasho, isagoo kasoo laabtay Qardho oo Shalay uga qeyb-galay isku soo baxa Ururkiisa Kaah oo kamid ah 8 Urur Siyaasadeed oo u tartamaya Doorashadda Golayaasha Degaanka ee ka dhacaysa Dowlad Goboleedka Puntland 25ka Bisha soo socota ee Oktoober.

Deni ayaa lagu eedeeyay inuu yahay Kaligii-taliye aan Dulqaad Lahayn, isagoo ku fashilmay amniga Dowlad Goboleedka Puntland oo intii uu joogey ay ka dhaceen Qaraxayo Waaweyn oo Mas’uuliyiin Heer Gobolka lagu dilay.

Xigasho: Keyd Media

Leave a Reply