Danjiraha Soomaaliya Ee Dalka Kanada Oo Kulan La Qaatay Jaaliyadda Soomaalida Ee Magaalada Ottawa

 

28-09-2021

 

OTTAWA – Magaalada Ottawa ee Dalka Kanada waxaa laga soo sheegaayaa in Jaaliyadda Soomaalida ee halkaasi ay la kulantay Danjiraha Cusub ee Soomaaliya u fadhiya Dalka Kanada, Danjire Xassan Daahir Dhimbil.

Dadka ka soo qeyb galay Kulanka ayaa waxey isugu jireen dhammaaan Qeybaha kala duwan ay Jaaliyaddaasi ka kooban tahay, waxeyna Jaaliyaddu ka dhageysatay Danjire Xasan Daahir Dhimbil Warbixin ku saabsan waxyaabaha uu u qaban doono Jaaliyadda Soomaalida ee Kanada.

Jaaliyadda Soomaalida ayaa iyadane ballan qaaday iney Danjire Xasan Daahir Dhimbil kala shaqayn doonaan sidii Safaarada Soomaalida u Shaqo bilaabi laheyd, waxeyna hoosta ka xariiqday in Jaaliyaddu ay tusaale u noqon doonto Jaaliyadaha kale ee ku nool Dalka Kanada.

Waxaa kamid ahaa dadkii ka soo qeyb galay Kulanka Danjirihii ugu horeeyey ee Safaarad ka fura Kanada Sanadkii 1979kii Cabdinuur Yuusuf, oo Talo tusaale leh ka jeediyey Kulanka, iyo weliba Danjirehii Hore ee Dalka Suudan Mukhtaar Ibraahim Fiqi.

Danjire Xasan Daahir Dhimbil ayaa Dhamaadkii Sannadkii 2020kii loo magacaabay Danjirehii ugu horeeyay ee Dalka Kanada dhowr Sano kadib.

Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa markii ugu dambeysay Danjire u dirsatay Dalka Kanada Sanadkii 2014tii, kaas oo lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdi (Gaandi), waxaana magacaabay Madaxweynehii Hore Xasan Shiikh Maxamuud.

Xigasho: Hiran Online

Leave a Reply