Qoor-qoor Iyo Fahad Yaasiin Ayaa Xalay Muqdisho Ku Kulmay

 

27-09-2021

 

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Gal-Mudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) ayaa Kulan la qaatay Taliyehii Hore eeNabad-sugida Fahad Yaasiin iyo Xubno la socday oo uu ku jiro Wasiiru Dowlaha Gaadiidka iyo Wasiirka Boostada Dowlad Goboleedka Gal-Mudug Aadan Qoryooley.

Dhinayacadan ayaa waxaa ay ka wada-hadleen Arrimaha weli taagan ee Qilaafka, maadaama Maalmihi ugu dambeeyay uu Qoor-qoor ku howlanaa Waan-waanta lagu dhex dhex-dhex
aadinayo Madaxweyne Muddo Xilleedkiisa Dhamaaday ee Farmaajo iyo Wasiir Koowaad Rooble.

Fahad Yaasiin ayaa tan iyo markii uu yimid Magaalada Muqdisho waxaa uu Kulamo ka wadaa Magaalada Muqdisho.

Waa markii labaad oo Fahad Yaasiin uu Bannaanka uga soo baxo Madaxtooyada, tan iyo markii uu dib ugu soo laabtay Muqdisho todobaadki hore, waxaana weli Amnigiisa sugaya Ciidanka Waran ee NISA.

Xigasho: Radio Kulmiye

Leave a Reply