Deeq Kombiyuutarro Ah Oo Ay La Wareegtay Jaamacadda Burco

 

27/09/2021

 

BURCO (SOLNA) – Mas’uuliyiinta Jaamacadda Burco ayaa Deeq Kombiyuutarro ah kala wareegay Suldaan Xasan oo ah Orodyahan caan ah oo orda Dalka Iswidhan, kaasoo asal ahaan kasoo jeeda Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaana Munaasibaddii Qalabkaasi lagula wareegayay Goobjoog ka ahaa Xubnaha Golaha Deegaanka ee Magaalada Burco, Ciyaaryahanno Reer Iswidhan ah iyo sidoo kale Mas’uuliyiinta Jaamacadda Burco.

Ugu horreynna waxa Munaasibaddaasi ka hadlay Sudlaan Xasan oo isagu Deeqdan ugu talogalay Jaamacadda Burco, waxaana uu sheegay in marka ay arkeen Baahiyaha ay qabaan Dadkoodii ay soo abaabuleen sidii ay Qalabkan ay u keeni lahaayeen Magaalada Burco, isagoo xusay in Qalabkani uu ka saacidi doono Da’yarta wax ka barata Jaamacaddaasi inay u adeegsadaan Waxbarashadooda.

Guddoomiye Kuxigeenka Jaamacadda Burco Barofaysar Cumar Xiis oo Qalabkaasi Koombiyuutarrada ah la wareegay ayaa geestiisa u mahadnaqay Suldaan Xasan oo ah Orodyahan caan ah, waxaana uu ugu baaqay Bulshada kale ee kasoo jeedda Magaalada Burco ee Jamhuuriyadda Somaliland ee Qurbojoogga ah inay ka war hayaan Jaamacaddooda, isla markaana sida Muwaadinkaasi ay ka taageeraan Da’yarta wax ku baranaysa Jaamacaddaasi sidii ay u heli lahaayeen Waxbarasho tayo leh.

Guddoomiyuhu waxa uu intaas ku daray in Jaamacad ahaan ay mar walba soo dhaweynayaan Cidkatsa oo wax ku darsanaysa Jaamacadda Burco, isla markaana ay dhiirrigelinayaan in la xoojiyo Waxbarashada Gobolka.

Leave a Reply