Maxey tahay Ujeedada Ka Dambeyso Dacwada Ay Ururka Qareenada Soomaalida Ee Astaraaliya Ay Ka Gudbiyeen Dowladda Soomaaliya, Una Gudbiyeen Maxkamadda Caalamiga Ee Dembiyadda?

 

26-09-2021

 


Garyaqaan Yuusuf Cabdi Faarax | Sawir: VOA

 

MUQDISHO (WBW: The GBM) – Urur ay ku mideysan yihiin Qareeno Soomaali ah oo Fadhigooda yahay Magaalada Melborne (Melbourne) ee Dalka Astaraaliya (Australia) isla markaana uu guddoomiyo Garyaqaan Yuusuf Cabdi Faarax, ayaa lasoo warinayaa in Ururkaasi uu Dacwad ka gudbiyay Dowladda Soomaaliya, una gudbiyay Maxkamadda Caalamiga ee Dembiyadda (The International Criminal Court).

Fal Dembiyeedyaa ee uu Ururka Qareenada Soomaalida ee Astaraaliya ee uu u gudbiyay Maxkamadda Caalamiga ee Dembiyadda ayaa waxey yihiin kuwa soo socdo:

1) Dadkii lagu dilay Magaalada Baydhabo Xilligii Doorashada Dowlad Goboleedka ay ka dhaceysay Magaalada Baydhabo Sanadkii 2018dii.

2) Cunaqabateyntii Duulimaadyada ee lagu soo rogay Magalaada Kismaayo ee Sanadkii 2019kii.

3) Dhalinyaradii Tabarka Ciidan loogu qaaday Dalka Ereteeriya Sanadkii 2019kii, kadibna ka qeyb-qaatay Dagaalkii Gobolka Tigraay ee Dalka Itoobiya Sanadkii 2020kii.

4) Afduubkii loo geystay Sarkaaladdii Ikraan Tahliil Faarax Sanadkan 2021da, Maqnaashaheedi, iyo Dilkii xigay ee la shaaciyay.

Hadabo, maxey tahay Ujeedada ka dambeyso Dacwada ay Ururka Qareenada Soomaalida ee Astaraaliya ay ka Gudbiyeen Dowladda Soomaaliya, una gudbiyeen Maxkamadda Caalamiga ee Dembiyadda?

1) Waxaa jiray Wada-hadalo qarsoodi ahaa ee u socday Madax ka kala socotay Dalka Kenya iyo Dalka Qatar isla markaana looga hadlayay sidii loo dejin lahaa Dacwada Bada ee ka dhexeyso Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo Kenya ay ku doodeyso in Ciidamo Nabad Ilaalin ay ka joogaan Soomaaliya isla markaana Dacwada lagu dhameeyo Wada-hadal.

2) 23dii Bishan Sebtember ee Sanadkan 2021da, waxaa Fashil ku yimid Dadaalo lagu doonayay in lagu dhameeyo Qilaafka ka dhexeeyo Madaxweynaha Muddo Xilleedkiisa Dhamaaday ee Farmaajo iyo Wasiir Koowaadka Dowladda Xilgaarsiinta ee Rooble, iyada oo sida lasoo wariyay ay wax ka socon waayeen Dhinaca Farmaajo.

3) 24ta Bishan Sebtember ee Sanadkan 2021da, waxaa ay Maxkamadda Caalamiga ee Cadaalada (The International Court of Justice) ay si rasmi ahaan ah u shaaciyay in 12da Oktoobar ee Sanadka 2021da lagu dhawaaqi doono Go’aanka Maxkamadda Caalamiga ee Cadaalada ee la xiriiro Dacwada Bada ee Soomaaliya iyo Keenya.

4) Shalay oo ay Bishan Sebtember aheyd 25ta ee Sanadkan 2021da, waxaa ay Qareeno Soomaali ah oo Fadhigooda yahay Magaalada Melborne (Melbourne) ee Dalka Astaraaliya (Australia) ay shaaciyeen in Dacwad ka dhan ah Dowladda Soomaaliya ay u gudbiyeen Maxkamadda Caalamiga ee Dembiyadda (The International Criminal Court).

Hadal iyo Murti, Ujeedada ka dambeyso Dacwada ay Ururka Qareenada Soomaalida ee Astaraaliya ay ka gudbiyeen Dowladda Soomaaliya, una gudbiyeen Maxkamadda Caalamiga ee Dembiyadda (The International Criminal Court) waa Ujeedada soo socoto:.

Ujeedada waxey tahay in la carqaladeeyo Dacwada Dowladda Soomaaliya ay ka gudbisay Keenya, una gudbisay Maxkamadda Caalamiga ee Cadaalada; iyada oo Maxkamadda Caalamiga ee Cadaalada loo tusayo Dowladda Soomaaliya ee Dacwada ka gudbisay Keenya; in iyadane ayba tahay Dembiile. Hadeysan sidaas aheyn Ujeedada, maxaa isku soo aadiyay Warka kasoo baxay Maxkamadda Caalamiga ee Cadaalada (The International Court of Justice ) ee la xiriira Dacwada Bada ee Soomaaliya iyo Keenya, iyo Dacwada ay Ururka Qareenada Soomaalida ee Astaraaliya ay ka gudbiyeen Dowladda Soomaaliya? Maxeyse Ururka Qareenada Soomaalida ee Astaraaliya ay u xusi waayeen Dadaalada wax ku oolka ah ee uu wado Wasiir Koowaadka Dowladda Xilgaarsiinta ee Rooble?

Weysha iyo Weerarka, maxaa mar wada kulmiyay, ayaa horay loo yiri.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa Wararka Xiisaha leh isla markaana kulul.

Leave a Reply