Golaha Midowga Murashixiinta Ayaa WK Rooble Ugu Baaqay In Uusan Gorgortan Ka Gelin Doorashada Iyo Amniga

 

26-09-2021

 

MUQDISHO – Golaha Midowga Murashixiinta ayaa waxaa ay sheegeen inay si dhow ula socdeen Wada-hadalladii lagu dhex-dhexaadinayay Madaxweynaha Muddo Xilleedkiisa Dhamaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Wasiir Koowaadka Dowladda Xilgaarsiinta ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, kuwaas oo ugu dambeyn Fashil ku dhamaaday.

Qoraal Labo Bog ka kooban oo kasoo baxay Midowga Murashixiinta ayaa waxaa lagu sheegay in Wasiir Koowaadka Dowladda Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, uu sameeyay Tanaasul Weyn, balse Madaxweynaha Xilkiisa Dhamaaday ee Farmaajo uu diiday Xalinta Qilaafka, isaga oo doonaya in uu dib u ceshado Doorashada iyo Amniga, si loo xagal daaciyo Cadaalad u raadinta Ikraan Tahliil Faarax.

Golaha Midowga Murashixiinta ayaa waxey soo jeediyeen 6 Qodob oo ku socda Wasiir Koowaadka Dowladda Xilgaarsiinta ee Rooble, Golaha Wadatashiga Qaran iyo Beesha Caalamka.

Halkan hoose waxaa laga aqrisan karaa 6da Qodob ay Golaha Midowga Murashixiinta ay soo jeediyeen.

 

Xigasho: Radio Risaala

Leave a Reply