Faah-faahino Kasoo Baxayo Qaraxii Ismiidaaminta Ahaay Ee Goordhaweed Dhacay

 

25-09-2021

 

MUQDISHO (WBW: The GBM) – Qarax Ismiidaamin ahaay oo loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhacay Agagaarka Isgoyska Ceel Gaab ee Magaalada Muqdisho, gaar ahaana Bar Koontarool oo laga ilaaliyo Wadada aado Madaxtooyada Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.

Warka wuxuu ku darayaa in Jugta Qaraxa aad looga maqlay meelo badan oo kamid ah Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Muqdisho, waxaana ku xigtay Rasaas ay fureen Ciidanka Boliiska Soomaaliya.

Meesha uu Qaraxa ka dhacay iyo Agagaarkeedaba, ayaa waxaa xiray Ciidamo Boliis ah; waxaana lagu arkaayay Gurmadka ah Deg-deg ah oo kusoo qul-qulaayo.

Ugu dambeysti, Afhayeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliya ayaa Daboolka ka qaaday in Qaraxa Ismiidaamin ahaay ee loo adeegsaday Gaariga laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa, uu geystay Qasaaro isugu jiro Dhimasho iyo Dhaawac; inkastoo uusan sheegin Tirada Dhimashada iyo Dhaawaca ee uu geystay Qaraxa Ismiidaaminta.

Wixii War ah ee kusoo kordho Warkan, kala soco Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]).

Leave a Reply