Walaac Darran Oo Ay Ururada Bulshada Rayidka Ka Muujinayaan Amniga Dalka Soomaaliya

 

24-09-2021

 

MUQDISHO – Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliya ayaa mar kale ka hadlay Qilaafka Xoogan ee u dhexeeya Madaxweynaha Muddo Xilleedkiisa Dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wasiir Koowaadka Dowladda Xilgaarsiinta Maxamed Xuseyn Rooble.

Guddoomiyaha Ururada Bulshada Tahliil Shaatax oo Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay inay ka walaacsan yihiin Qilaafka soo noq nqoday ee Madaxda oo weli Xal buuxa loo helin Xalintiisa.

Shaatax ayaa sheegay inay aaminsan yihiin in Qilaafka u dhexeeya Madaxda uu Carqabad ku noqday in Doorashooyinka Dalka ku qabsooman Waqtigii loogu tala-galay, sidoo kalena uu Saameyn ku yeelan karo Qilaafka taagan Amniga iyo Dhaqaalaha.

Sidoo kale Tahliil Shaatax ayaa xusay in Ururada Bulshada Rayidka aad uga walaacsan yihiin in Sii Socoshada Qilaafka oo sababi kara isku dhacyo Ciidan, isla markaana loo baahan yahay in la helo Siyaasad Degan oo lagu maareyn karo Ciidanka ku sugan Dalka Soomaaliya.

Wadashaqeyn La’aanta Madaxda ayuu Shaatax ku tilmaamay inay ka dhalan karto Dib Udhac Doorashooyinka ku yimaada, isla markaana taas aysan aheyn wax loo dul qaadan karo, maadaama Dad badan uu Qilaafka Niyad Jab ku riday.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Ururada Bulshada Rayidka ee Soomaaliya Tahliil Shaatax ayaa ugu baaqay Golaha Wadatashiga Qaran oo ay ku mideysan yihiin Wasiir Koowaadka Dowladda Xilgaarsiinta ee Soomaaliya Maxamed Xuseyn Rooble iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada inay dadajiyaan Doorashooyinka dhacaya, isla markaana ka dalbaday Madaxda in Qilaafka lagu dhammeeyo Wadahadal.

Xigasho: Radio Dalsan

Leave a Reply