Qarax Ayaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya Lagula beegsadey Inta U Dhexeysa Degmada Afgooye Iyo Degaanka Mareerey

 

24-09-2021

 

AFGOOYE – Qaraxa Jugtiisa laga maqlay meelo oo kamid ah Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa Barqadii Maanta waxaa uu ka dhacay inta u dhaxeysa Degmada Afgooye iyo Degaanka Mareereey oo katirsan Gobolkaasi Shabeellaha Hoose.

Qaraxa oo ahaa Nooca Miinada Dhulka lagu aaso, ayaa waxey Goobjoogeyaal sheegeen in lala eegtay Gaari ay saarnaayeen Ciidamo katirsan Dowladda Soomaaliya oo ka yimid Dhinaca Degaanka Mareerey, kuna sii jeeday Degmada Afgooye.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Qaraxa uu dhaliyay Qasaaro Dhimasho iyo Dhaawac, kadib markii ay xitaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay iyagane Rasaas badan fureen Qaraxa kadib.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Qaraxa lala beegsaday ayaa waxey Howlgalo Miino Baaris ah ay ka wadeen Wadada xiriirisa Degmada Afgooye iyo Degaanka Muuri oo dhowr jeero hore ay Qaraxyo uga dhaceen.

Xigasho: Daafeet News

Leave a Reply