Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Gal-Mudug Oo La Kulmay Danjiraha Dalka Shiina (China) U Fadhiya Soomaaliya

 

24-09-2021

 

MUQDISHO – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Gal-Mudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) ayaa Kulan gaar ah la yeeshay Danjiraha Dalka Shiina (China) u fadhiya Soomaaliya Fei Shengchao oo 3dii Bishan Sebtember bedelay Danjirehii Hore ee Dalka Shiina (China) ee Soomaaliya Qin Jian.

Qoor-Qoor iyo Danjiraha Shiinaha ayaa ka wada hadlay Xaaladda Guud ee Dalka Soomaaliya, Dhiirogelinta Xiriirka Ganacsiga iyo Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha Dowlad Goboleedka Gal-Mudug.

Ugu danbeyntii, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Gal-Mudug ayaa wuxuu ka mahadceliyay Kulanka iyo Guud Ahaanba Garab-istaagga Dowladda Shiina (China).

Isha Warkan: Radio Shabelle + Xog Ogaalo Kale

Leave a Reply