Falcelin Ka Dhalatay Fashilka Ku Yimid Dhex-dhexaadintii Farmaajo Iyo Rooble

 

24-09-2021

 

DHUUSAMAREEB – Tan iyo markii ay soo baxday inay fashilmeen Kulamada lagu dhex-dhexaadinayay Madaxweynaha Muddo Xilleedkiisa Dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wasiir Koowaadka Dowladda Xilgaarsiinta ee Soomaaliya Maxamed Xuseyn Rooble ayaa waxaa siyaabo kala duwan uga hadlay qaar kamid ah Siyaasiyiinta Soomaalida.

Falcelinta ka dhalatay Kulamada Dhex-dhexaadinta ah ee fashilmay ayaa waxaa intooda badan eeda Dusha laga saaray Madaxweynaha Muddo Xilleedkiisa Dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo si dhow ula socday Kulamada Dhex-dbexaadinta ayaa sheegay in Ujeedka ugu weyn ee uu Farmaajo ka lahaa ay aheyd Xagal Daacinta Kiiska Ikraan Tahliil Faarax, isla markaana uu doonayo in uu kasoo kabsado sidii deg-dega aheyd ee Xilkii looga qaaday Agaasimihii NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

”Ujeedka ugu wayn ee uu Farmaajo ka lahaa wadahadalka waa in kiiska Ikraan la xagal daaciyo, waqti la iibsado, si uu uga soo kabto filasha waagii xilka looga qaaday agaasimihii hore ee NISA, iyo in la hakiyo dardarta RW ee gacan ku haynta hay’adaha amniga. Dad badan ayaa is waydiinaya muxuu ku diiday tanaasulkii uu Rooble sameeyey. Wuxuu doonayey in uu kalsoonida ka dilo dadka uu Rooble magacaabay, loona tusiyo in uu ka tegi karo,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Farmaajo uusan aheyn Nin tanaasula, waxaana uu ugu baaqay Mas’uuliyiinta Dhex-dhexaadinta wada inay cadeeyaan Mowqifkooda, wuxuuna sidoo kale uu ugu baaqay Midowga Musharixiinta, Maamul Goboleedyada iyo Beesha Caalamka inay Doorashada ku garabbistaagaan Ra’iisul Wasaaraha.

Dhinaca kale, Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Gal-Mudug Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in Waan-waantii uu wax ka waday Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Gal-Mudug Qoor-qoor ee uu ogolaaday, ay wax ka socon waayeen Farmaajo.

Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook ayuu ku sheegay Wasiir Fiqi in ay muhiim tahay in aan waqti dambe lagu lumin Musharax quus ku sii dhow oo raba Talada Dalka inuu rahmad isaga haysto, isla markaana RW Rooble ay la gudboon tahay in Waqtigiisa uu siiyo Doorashada, lana bilaabo Doorashada Golaha Shacabka, Sanduuquna uu noqdo Garsooraha Musharixiinta.

Qilaafka ka dhashay Kiiska Maqnaanshaha Ikraan Tahliil ee u dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble ayaa weli taagan, kaas oo saameeyay Hay’adaha kala duwan ee Dowladda Soomaaliya.

Xigasho: Radio Risalaa

Leave a Reply