Suudaan (Sudan): Haraadiga Nidaamkii Hore Al-Bashiir Waxay Damacsanaayeen In Ay Afgambiyaan Dimuqraadiyadda

 

23/09/2021

 


Sudanese soldiers patrolled major intersections in Khartoum on Tuesday

 

KHARTOUM – Dowladda Suudaan (Sudan) ayaa shaacisay in Afgambigii dhicisoobay ee ka dhacay Caasimadda Dalka ee Khartoum in ay ka dambeyeen Ciidamo taageersanaa Madaxweynihii Hore ee Talada Dalkaasi laga tuuray Cumar Al-Bashiir.

Ra’iisul Wasaaraha Dalkaa Suudaan Cabdalla Xamduuk ayaa sheegay in Haraadiga Al-Bashiir, in ay qorsheynayaan Afgambi Xilka lagaga tuuro Xukuumadiisa.

“Hadhaagii nidaamkii hore Al-Bashiir waxay damacsanaayeen inay Afgambiyaan Dimuqraadiyadda rayidka ah”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdalla Xamduuk.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale ku tilmaamay in ay ahaayeen waxa dhacay Afgambi Abaabulan, “Isku-day Afgambi oo la soo abaabulay” ayuu Hadalkiisa sii raaciyay Ra’iisul Wasaare Xamduuk.

Gelinkii hore ee Subaxnimadii Talaadada ayaa Ciidamada katirsan kuwa Militeriga Suudaan ay isku dayeen in ay Afgambi kula wareegaan Talada Dalka.

Xigasho: Goobjoog News

Leave a Reply