Maxuu Ku Dhamaaday Kulankii Uu Fahad Yaasiin La Yeeshay Saraakiisha Ciidamada?

 

23-09-2021

 

MUQDISHO – Agaasimihii Hore ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka Fahad yaasiin Xaaji Daahir ayaa Xalay Kulan la yeeshay Yaliyaasha Ciidamada oo ay kamid ahaayeen Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka Jen. Odowaa,Taliyaha Ciidamada Booliska Jen. Xijaar,Taliyaha Hay’ada Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee dhawaan uu magacaabay Farmaajo iyo Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir.

Fahad Yaasiin, Hadal jeedintiisa Xalay ee Kulankii Sagootinta ee Xarunta NISA waxay isugu jireen Dardaaran iyo Ilaalinta Sumcada Hay’adda.

Agaasimihii Hore ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka Fahad Yaasiin ee uu Farmaajo u magacowday La-taliyihisa Amniga, ayaa kulanka ka sheegay in Saraakiil dambiyo waa weyn galay oo Maxkamad mudnaa, in Sumcadda Hey’adda Darteed la isaga dhaafay, hase yeeshee ma carabaabin Magacyada Saraakiishaas.

Isagoo la dardaarmayay Sarakiisha uu la kulmay, ayuu wuxuu Fahad Yaasiin uu u sheegay inay isku xirnaadaan; isagana uuNiyadda kala joogo.

Sidoo kale wuxuu u caddeeyay in Qofka Hay’adda Madax ka noqon doono uu ka imaanayo isla Hay’adda, taasoo Hadalkiisa ka muuqatay in aanu aheyn Labada Dhinac ee ay soo kala Magacaabeen Madaxweynaha Muddo Xilleedkiisa Dhamaaday ee Farmaajo iyo Wasiir Koowaadka Dowladda Xilgaarsiinta ee Soomaaliya, Rooble.

Xigasho: Jowhar News

Leave a Reply