Gaadiidley Xayirtay Isku Socodka Wadooyinka Magaalada Belad Weyne

 

23-09-2021

 

BELAD WEYNE – Gaadiidley ka careysan Canshuur Kordhin ay ku sameeyeen Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa kala xiray isku socodka Gaadiidka isticmaala Wadooyinka Magaalada Belad Weyne.

Gaadiidleyda ayaa Wadooyinka muhiimka ah ee Magaalada Belad Weyne ku dhex jaray Gaadiid ay wateen sida Goobaha Canshuurta looga qaado ee Jagboontiyada Buunda Weyn iyo Horseed ee Xaafada Nuur Xawaad ee Magaalada Belad Weyne.

Cabdinaasir Cali Cumar oo ah Guddoomiyaha Gaadiidleyda Gobolka Hiiraan ayaa Shabakadda HOL u sheegay iney xirteen Wadooyinka muhiimka ah oo ay Gaadiidkooda ku jareen, kadib markii Maamulka uu ku kordhiyay Canshuur, oo uu sheegay Ineysan Awoodin Bixinteeda.

“Waxaan Wadada u xiranay in Cabashadeena wax laga qabto maadaama Maamulka uu inagu kordhiyay Lacag Xad Dhaaf ah oo aanan awood u laheyn inaan bixino, $40 ayaa Calaa Baabuur Maamulka naga qaadi jiray, waxuuna nagu soo dalacay $40 kale; taasoo ka dhigeysa Calaa Baabuur $80 Dollar marka waa waxaanan u adkeysan waynay Cadaalad Drada intaas dhan” ayuu yiri Guddoomiyaha Gaadiidleyda Gobolka Hiiraan.

Majirto wali wax War ah oo kasoo baxay Dhanka Maamulka Gobolka Hiiraan oo ku saabsan Cabashada Gaadiidleyda xiratay Wadooyinka Magaalada Belad Weyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
.
Xigasho: Hiran Online

Leave a Reply