Xukuumadda Somaliland Oo Caalamka U Caddaysay In Aanay Qayb Ka Ahayn Doorashooyinka Soomaaliya

 

22/09/2021

 

HARGEYSA (SOLNA) – Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Soomaaliya uga digtay inay ka waantowdo Dhaqanka ay ku sheeganayso JSL oo aan marna qayb ka noqon Doorashooyinka Soomaaliya.

Sidaasna waxa lagu sheegay War-murtiyeed Maanta ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland oo Beesha Caalamka lagu wargeliyey inay Somaliland leedahay Dawlad iyo Goleyaal kala duwan oo Shacbigu soo doortay. War-saxaafadeedkaas oo soo gaadhay Wakaallada Wararka ee SOLNA, wuxuu u qornaa sidan:-

“Dawladda Jamhuuriyada Somaliland waxa ay ku war gelinaysaa Qarammada Midoobay, Midawga Africa, Midawga yurub, iyo guud ahaan bulshada caalamka, in Jamhuuriyadda Somaliland tahay dawlad madax bannaan oo aan haba yaraatee wax shaqo ah ku lahayn nidaamka doorashooyinka maamulka fadhiidka ah ee Soomaaliya.

Jamhuuriyada Somaliland waxa ay 18kii May 1991, la soo noqotay gobonimadeedii
luntay 1960kii, Soddon sanno kadib, Somaliland waa dal xor ah oo leh nidaam doorasho
oo dimuquraadi ah, isla markaana shacbigu doortaan cidda ku matalaysa golayaasha
fulinta(Xukuumadda), sharci dejinta(Golaha baarlamaanka) iyo dawladdaha hoose, si xor
iyo xalaal ah oo qof iyo cod ah.

Sidaa daradeed dawladda Jamhuuriyada Somaliland waxa ay uga digaysaa
maamulka iyo siyaasiyiinta Soomaaliya sheegashada beenta iyo khiyaaliga kudhisan ee lagu marin habaabinayo bulshada caalaamka.

Ugu dambayn Somaaliland oo ka mid ah dalalka hoggaamiya dimuqraadiyadda Africa,
waxa aanay marnaba aqblayn in lagu soo darro arrimaha doorashooyinka Soomaaliya oo aan khusayn Jamhuuriyadda Somaliland.”

Halkan hoose waxaa laga aqrisan karaa Qoraalka ay Jamhuuriyadda Somaliland ay ugaga digtay Jamhuuriyadda Soomaaliya.

 

Jadwalka Doorashada Xubnaha Aqalka Sare Ee Somaliland Oo La Shaaciyey

22-09-2021

 

MUQDISHO – Guddiga maamulka doorashada kuraasta labada Aqal ee Somaliland ayaa soo saaray jadwalka doorashada xubnaha Aqalka Sare ee gobollada waqooyi, taas oo la guda gelayo maalinta Khamiista ah ee 23-ka bishaan, sida ku cad jadwalka.

23-ka bishaan oo ku beegan maalinta Khamiista ah ee soo socota waxaa la diiwaan gelinayaa musharaxiinta u tartameysa kuraasta Aqalka Sare ee Somaliland, waxayna diiwaan gelintu socaneysaa ilaa maalinka Sabtida ah ee 25-ka bishan.

Axadda 26-ka Septembar waxaa tababar loo furayaa ergada soo dooraneysa senatorrada Aqalka Sare ee gobollada waqooyi, halka maalinka xiga ee 27-ka la dhageysan doono hadal jeedinta musharaxiinta.

Maalinka Talaadada ah ee 28-ka bishan ayaa loo qorsheeyey inay bilaabato doorashada Aqalka Sare ee xubnaha metelaya Somaliland, waxayna ku egtahay 30-ka bishaan September.

Seddax maalmood oo kala ah, 28-ka, 29-ka iyo 30-ka bishaan ayey Muqdisho ka dhaceysaa doorashada 11-ka kursi ee Somaliland ku metesha golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya.

 

 

Xigasho: Waklaalada Wararka Soomaaliya ee SONNA

Leave a Reply