Kulamo Uu Taliyehii Hore Ee NISA (Fahad Yaasiin Xaaji Daahir), Uu Muqdisho Ka Bilaabay

 

 

22-09-2021

 

MUQDISHO (WBW: The GBM) – Taliyihii Hore ee Ciidanka Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo Maalinti Shalay aheyd soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa lagu soo waramayaa in durbaba uu bilaabay Kulan uu la yeelanayo qaar kamid ah Madaxda Ugu Sareysa Dalka iyo Taliyeyaasha Ciidamada.

Warka wuxuu ku darayaa in Kulanka lagu qabtay Hoyga Fahad Yaasiin oo ku yaala Madaxtooyada Soomaaliya, wuxuuna Kulanka qaatay Saacado, iyadoo ay Kulanka ay Goobjoogeyaal ka ahaayeen Taliyeyaal Ciidan oo ay kamid ahaayeen Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, Ku-simaha Taliyaha NISA ee Dhinaca Farmaajo (Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud), iyo Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Gaashaanle Dhexe Farxaan Maxamad Aadan (Farxaan Qaroole).

Ugu dambeysti, Kulankan ayaa wuxuu dhaliyay Tuhun aad u weyn, maadaamai ay soo ifbaxday in Fahad Yaasiin uu weli Awood Weyn uu ku dhex leeyahay Hay’adaha Dowladda; siiba Laamaha Amniga oo ay ka muuqdaan iney weli kusii shaqeeyaan Amarka Fahad Yaasiin.

Wixii War ah ee kusoo kordho, kala soco Wararka dambe ee Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]).

 

 

Leave a Reply