Howlgalo Ay Ciidanka DANAB Iyo Ciidanka DG Jubaland Ay Ka Fuliyeen Gobolka Jubada Hoose

 

22-09-2021

 

KISMAAYO – Ciidanka Kumaandooska DANAB ee Ururka 5aad, Guutada 16aad ee Xoogga Dalka Soomaaliya iyo Ciidanka Daraawiishta Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa lagu soo waramayaa in Saacadihii lasoo dhaafay ay Howlgalo qorsheysan ay si gaar ah uga fuliyeen Degaanada Bar Sanguuni, Malaayley, Bandar Jadiid, Araare, Koban, Bangeeni, iyo Degaano kale oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka Ciidamada ayaa waxaa ay sheegeen, inta ay socdeen Howlgalada in lagu dilay 13 Xubnood oo katirsan Al-shabaab oo ay ku jireen Saraakiil, waa sida hadalka ay u dhigeen Saraakiisha.

Sidoo kale Saraakiisha Ciidamada DANAB ee Ururka 5aad, Guutada 16aad iyo Ciidanka Daraawiishta Dowlad Goboleedka Jubaland oo la hadlay Idaacadda Codka Ciidamada ayaa u sheegay in Duqeyn lagu burburiyey Fariisimo ay lahaayeen Al-Shabaab.

Ciidanka Kumaandooska DANAB iyo Ciidanka Daraawiishta Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa waxey sidaan oo kale ay dhowr jeer oo hore ay Gobolka Jubada Hoose ay uga fuliyeen Howlgalo ka dhan ahaa Al-Shabaab, iyada oo Dagaaladaasi dhexmaray Labada Dhinacna ay Qasaaro geysteen.

Isha Warkan: Radio Dalsan

Leave a Reply