Reerka Ikraan Tahliil Faarax Ayaa La Kulmay Wasiirka Amniga Gudaha

 

21-09-2021

 

MUQDISHO – Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda Xilgaarsiinta ee Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa Xafiiskiisa kula kulmay Hooyada dhashay Sarkaaladdii Ikraan Tahliil Faarax oo ah Qaali Maxamuud Guhaad, iyo Xubno kale oo katirsan Reerka Sarkaaladdii Ikraan Tahliil Faarax.

Wasiirka Amniga Gudaha iyo Reerka Ikraan Tahliil Faarax ayaa waxey ka wada-hadleen sidii Cadaalad ay u heli laheyd Ikraan Tahliil Faarax oo ay Reerkeeda sheegeen in Gabartooda ay ku maqan tahay Gacmaha Ciidamada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee Soomaaliya maadaama ay Xilli dambe ay Gurigeeda ka wadeen Dhamaadkii Bishii Juunyo ee Sanadkan 2021da.

Reerka Ikraan Tahliil Faarax waxey Wasiirka Amniga Gudaha ay ka codsadeen inuu u ogolaado Banaanbax Nabadeed oo ay dhigaan isla markaana ay ku muujinayaan sidii Cadaalad u helida Gabartooda Ikraan Tahliil Faarax.

Wasiirka Amniga Gudaha ayaa ka oggolaaday Codsiga ay soo gudbiyeen Reerka Ikraan Tahliil Faarax, wuxuuna u sheegay inuu la qeybsanayo Murugada ka haayso Gabartooda islamarkaana uu ka xun yahay Dhibaatada ku dhacday Reerka.

Ugu dambeysti, waxaa uu Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda Xilgaarsiinta ee Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur uu sheegay in Cidii hor istaagta Banaanbaxaasi Nabadeed ee uu u ogolaaday Reerka Ikraan Tahliil Faarax aysan waxba ka duwanaan doonin Dadka lagu tuhunsan yahay Kiiska Sarkaalad Ikraan Tahliil Faarax.

Isha Warkan: Jowhar News

 

 

Leave a Reply