Agaasimehii Hore Ee NISA Ayaa Saakay Soo Gaaray Muqdisho

 

21-09-2021

 

MUQDISHO (WBW: The GBM) – Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa laga soo sheegayaa in Agaasimihii Hore ee Hay’ada Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir uu Saakay ka soo degey Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee Aadan Cabdulle Cusmaan ee Magaalada Muqdisho, kadib markii ay Diyaarad Gaar Ah ay ka soo duulisay Dalka Turkiya.

Agaasimehii Hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa markii hore u qorsheysneyd in Magaalada Muqdisho uu soo gaaro 17dii Bishan Sebtember oo aheyd Maalintii Jimcaha. Hase ahaatee, waa u suurta-geliweysay kadib markii ay Howl-wadeenada Shirkadda Diyaaradaha Turkiya (Turkish Airlines) ay heleen Xogo sheegayay in Garoonka Diyaaradaha ay ku sugnaayeen Ciidamo uu soo diray Madaxweynaha Muddo Xilleedkiisa Dhamaaday ee Farmaajo isla markaana doonayay iney galbiyaan Fahad Yaasin Xaaji Daahir.

Waxaa markaa ay Howl-wadeenada Shirkadda Diyaaradaha Turkiya (Turkish Airlines) ay ka baqeen in Isku Dhac uu yimaado maadaama ay Ciidamo kale ay ku sugnaayeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee Aadan Cabdulle Cusmaan.

Fahad Yaasiin iyo dhamaan Rakaabkii kale ee saarnaa Turkish Airlines, waxaa ay ku qasbanaadeen in dib ay ugu noqdaan Dalka Turkiya oo markii hore ay kasoo duuleen.

Dib usoo noqoshada Fahad Yaasiin ayaa kusoo aadeyso Xilli ay qaar kamid Taageerayaashiisa Farmaajo ay Maanta bilaabeen in ay isu soo dhaweeyaan Madaxeynaha Muddo Xilleedkiisa Dhamaaday ee Farmaajo iyo Wasiir Koowaadka Dolwadda Xigaarsiinta ee Rooble oo Jid Sax ah ku taagaan.

Kala soco Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]), wixii War ah ee kusoo kordho Warkan.

Leave a Reply