WK Rooble Iyo Danjirta UK Oo Wadahadlay

 

20-09-2021

 

MUQDISHO – Wasiir Koowaadka Dowladda Xilgaarsiinta ee Soomaaliya Maxamed Xuseyn Rooble ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Danjirta Biritaaniya u fadhida Dalka Soomaaliya Kate Foster.

Kulanka waxaa Wasiir Koowaadka Dowladda Xilgaarsiinta ku wehlinayay Wasiirka Cusub ee Amniga Cabdullaahi Mohamed Nur iyo La-taliyehiisa Amniga ee Cabdi Diirshe.

Waxay ka wada hadleen Xiriirka Labada Dal iyo Habsami Usocodka iyo Amniga Doorashooyinka Dalka ee uu hormuudka ka yahay Wasiir Koowaadka Dowladda Xilgaarsiinta ee Soomaaliya Maxamed Xuseyn Rooble.

Danjirtada Biritaaniya u joogta Soomaaliya ayaa Dhinaceeda bogaadisay sida uu Wasiir Koowaadka Dowladda Xilgaarsiinta, ay uga go’an tahay Dardargelinta Doorashooyinka Dalka.

Qilaafka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Farmaajo iyo Rooble, ayay ka walaacsan tahay Beesha Caalamka iyo QM, taasi oo ay ku tilmaameen mid Qalalaaso Cusub u horseedi karo Dalka hadii aanan Heshiis laga gaarin waxa la kala tabanaayo.

Isku dhaca Wasiir Koowaadka Dowladda Xilgaarsiinta ee Soomaaliya Maxamed Xuseyn Rooble iyo Madaxweynaha Muddo Xilleedkiisu Dhammaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa wxaa u sabab ah Kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo uu Rooble caddaalad ugu raadinaayo Qoyska Ikraan Tahliil Faarax.

Dhan kale, Madaxweynaha Waqtigiisa Dhamaaday ee Farmaajo wuxuu uu isku dayayaa in uu Fahad Yaasiin uu gaashaan uga noqdo Dambiyada ka dhanka ah Xuquuqda Aadanaha ee lagu eedeynayo oo uu qeyb ka yahay Kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Xigasho: Keyd Media Online

Leave a Reply