Dib Dhaca Ku Yimid Shirkii Madaxda Dowlad Goboleedyada

 

20-09-2021

 

GAROOWE – Dib u dhac ayaa lagu soo warramayaa inuu ku yimid Shirkii Wada-tashiga Madaxda Dowald Goboleedyada oo lagu waday inuu Maalinta Berri ah uu ka furmo Magaalada Garoowe.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Gal-Mudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) uu soo jeediyey in la ballaariyo Shirka, dibna loo dhigo, si uu ugu biiro Wasiir Koowaadka Dowladda Xilgaarsiinta ee Soomaaliya Maxamed Xuseyn Rooble.

Qoor-qoor iyo Rooble ayaa Xalay kulan gaar ah ku yeeshay Magaalada Muqdisho, iyaga oo Heshiis uga gaaray Xorguf Siyaasadeed oo u dhexeysay Maalmihii lasoo dhaafay.

Shirka Garoowe ayaa waxaa looga hadlayaa Xaaladaha soo kordhay ee Dalka, gaar ahaan Xiisadda u dhexeysa Madaxweynaha Muddo Xilleedkiisa Dhamaaday ee Farmaajo iyo Wasiir Koowaadka Dowladda Xilgaarsiinta ee Rooble.

Xigasho: Radio Shabelle

Leave a Reply