Qasaaro Ka Dhashay Qarax Ka Dhacay Garoonka Diyaaradaha Buulo Burde

 

19-09-2021

 

BUULO BURDE – Wararka naga soo gaarayo Degmada Buula Burde ee Gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in Qarax Miinada nooca Dhulka lagu aaso ah, lagu bur-buriyay Qeybta Nasiinada ee Garoonka Diyaaradaha Degmada Buulo Burde.

Qaraxa ayaa la sheegay in si gaar ah uga dhacay Qeybta Dadka Shacabka ah ay ku sugaan Diyaaradaha, waxaana Qaraxa ka dhashay Qasaaro isugu jira mid Nafeed iyo mid Hantiyadeed.

Inta la xaqiijiyay, Hal Qof oo Shacab ah ayaa ku dhintay Qaraxa Saakay ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Degmada Buulo Burde, waxaana burbureen Dhismayaashii Garoonka.

Maamulka Degmada ayaa xaqiijiyay in Qaraxa ay ka dambeeyen Ururka Al-Shabaab.

Xigasho: Goobjoog News

Leave a Reply