Maxey Tahay Ujeedada Dahsoon Ee Ka Dambeyso Booqashada Danjiraha Itoobiya Ee Soomaaliya Ee Magaalada Baydhabo?

 

19-09-2021

 

BAYDHABO (WBW: The GBM) – Waxaa lagu soo waramayaa in Danjiraha Itoobiya ee u fadhiya Soomaaliya, Danjire Cabdifataax Sheekh Cabdullaahi uu booqday Magaalada Baydhabo, kadibna uu Aqalka Madaxtooyada ee Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed uu kula kulmay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).

Warka wuxuu ku daray in ay Labaduba ay Kulankooda uga wada-hadleen Arrimaha Doorashooyinka iyo Amniga Dalka Soomaaliya.

Ha yeeshee, waxaa leys weydinayaa waxa ay tahay Ujeedada Dahsoon ee kasii dambeyso Booqashada Danjire Cabdifataax Sheekh Cabdullaahi ee Magaalada Baydhabo maadaama uu Laftagareen uu kala mid ahaa Qoor-qoor, in leyso soo dhaweeyo Farmaajo iyo Rooble; asiise ay kuwada fashilmeen Dadaalki Dhex-dhexaadinta ay Labaduba ka wadeen Magaalada Muqdisho.

Bartamihii Bishii Juunyo ee Sanadki 2018 ay aheyd markii Wasiir Koowaadka Itoobiya Abiy Axmed uu Booqasho aan horay loo shaacin uu ku imaanayay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee Aadan Cabdulle Cusmaan ee Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Muqdisho isla markaana uu kusoo dhaweynayay Madaxweynihii Soomaaliya ee markaasi Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Hada wuxuu Xaalka ku xun yahay Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa Dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) iyo Taageeroyaashiisa ee uu ugu horeeyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), maadaama ay ka fashilantay Shaxdii ay la damacsanaayeen Wasiir Koowaadka Dowladda Xilgaarsiinta ee Soomaaliya Maxamed Xuseyn Rooble. Sidaas darteed, waxaa Magaalada Baydhabo lagu diyaarinayaa Shax Cusub oo loo dego Wasiir Koowaadka Dowladda Xilgaarsiinta ee Soomaaliya Maxamed Xuseyn Rooble.

Kala soco Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]), wixii War ah ee kusoo kordho Warkan.

Leave a Reply