Kulan Ay Yeesheen Guddoomiyaha Magaalada Marka Iyo Taliyeyaasha Ciidamada AMISOM Ee Ka Howlgalo Gobolka Shabelaha Hoose

 

19-09-2021

 

MARKA – Guddoomiyaha Magaalada Marka Cabdullaahi Cali Axmed Waafow ahna Gudoomiyaha Guddiga Amniga ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa wuxuu Maanta la kulmay Taliyeyaasha ugu sareeya Ciidanka AMISOM ee ka howlgalo Gobolka Shabeellaha Hoose.

Kulankan oo ka dhacay Xerada Ciidamada (UPDF), ayaa wuxuu Guddoomiyaha Magaalada Marka Cabdullaahi Cali Axmed Waafow oo isla markaana ah Guddoomiyaha Guddiga Amniga ee Gobolka Shabellaha Hoose uu si gaar ah ula qaatey Taliyeyaaaha Ciidamada AMISOM ee Magaalada Marka, Degaanka Nambar Konton, iyo Degaanka Ceel Munye.

Guddoomiyaha Magaalada Marka ayaa Saraakiisha Ciidamada AMISOM kala hadley Xaaladda Amniga Guud ee Gobolka Shebellaha Hoose oo mararka qaar ay ka dhacaan Dagaalo u dhexeeyo Ciidamada Dowladda iyo Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidamada AMISOM ee Magaalada Marka Col Peter Angufibo Garr ayaa sheegey in Muhiimad gaar ah ay u leedahay Wada-shaqeynta kala dhexeyso Guddoomiyaha isla markaana ay si wadajir ah u wada-sugi doonaan Amniga.

Kulankan uu Guddoomiye Waafow uu la yeeshay Taliyeyaasha Ciidamada AMISOM ayaa wuxuu kusoo aadayaa, iyadoo Taliyeyaasha Ciidamada AMISOM ay kasoo noqdeen Socdaal ay ugu maqnaayeen Dalka Ugaanda.

Isha Warkan: Daafeet News

 

Leave a Reply