Waxaa Lagu Kala Tagay Doorashadii Aqalka Sare Ee Ka Socotay Xarunta Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle

 

18-09-2021

 

JOWHAR (WBW: The GBM) – Xarunta Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ee Jowhar ayaa laga soo sheegayaa in Doorashadii Aqalka Sare ee Fiidkan Caaw ka socotay Jowhar in lagu kala tagay kadib markii leysku buuqay.

Buuqa ayaa waxaa uu bilowday, kadib markii ay Xildhibaano katirsan Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ay usoo kaceen dhinaca Cod-baahiyaha (Microphone: Microfono), kadibna ay qabsadeen Cod-baahiyaha markii la dhameeyay Tirinta Codadka Murashaxiinta ay kala heleen Wareegii 1aad; asiise aan lagu dhawaaqin Murashixii guuleystay.

Weli, lama ogo wixii kasii horeeyay Buuqa, waxaase cad in Buuqa uu sababay in lagu kala tago Doorashadii Fiidkan Caawa ee ka socotay Xarunta Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ee Jowhar.

Wixii war ah ee kusoo kordho, kala soco Wararka dambe ee Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]).

 

Leave a Reply