Doorashada Laba Kamid Ah Kuraasta Aqalka Sare Ayaa Maanta Ka Dhaceysa Xarunta Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle

 

18-09-2021

 

JOWHAR – Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa shaaciyay in Maanta oo Sabti ah ay Magaalada Jowhar oo ah Xarunta Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ay ka dhaceyso Doorashada Labo Kamid Ah Xubnaha Kuraasta Aqalka Sare ee Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ku matalaya Baarlamaanka Soomaaliya.

Afhayeenka Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa Bogiisa Facebook ku shaaciyay in Maanta Magaalada Jowhar lagu dooran doono Laba Kamid Ah Sideeda Kursi ee Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle, iyadoona horay Magaalada Jowhar loogu doortay Afar Kursi oo kamid ahaa Sideeda Kursi, waxaana Labada Kursi ee Maanta la dooran doono ay Tirada ka dhigeysa ilaa Lix Kursi waa hadii ay Doorashada Maanta qabsoonto.

Kursiga Koowaad ee Maanta Doorashadiisa dhaceysa waxaa ku wada tartami doono Murashixiinta kala ah Cali Shacbaan Ibraahin, Cabdullaahi Axmed Tawaad, Cabdiqaadir Xanafi Sheekh Bashiir, Cabdalle Cabdi Xuseyn iyo Caasho Xuseyn Abuukar.

Kursiga Labaad ee Doorashada Maanta waxaa ku wada tartami doono Murashixiinta kala ah Maxamed Amiin Shiikh Cusmaan, Daaha Muxudiin Sh. Daaud, Axmed Maxamed Cali (Afcadeey), Yuusuf Macalin Xasan (Filla-Dheere).

Hadii Doorashadaan Maanta dhacdo waxaa hari doono Labo Kursi oo qura, waxaana Labadaasi Kursi mid kamid ah ka taagan Cabasho aad u xoogan oo ay sheegeen qaar kamid ah Murashixiinta doonneysay iney ku tartamaan in loogu hanjabay Dil, taaso keentay iney isaga soo cararaan Magaalada Jowhar, lamana oga sida uu Kursigaasi Doorashadiisa ku qabsoomi doonto maadama Ragii ku tartami lahaa qaarkood ay sheegeen iney Naftooda kala soo baxsadeen Magaalada Jowhar.

Xigasho: Hiran Online News

Leave a Reply