Diyaarad Ay Leedahay Shirkadda Turkish Airlines Ayaa Muqdisho Ka Soo Degtay

 

18-09-2021

 

MUQDISHO – Shirkadda Diyaaradaha Turkish Airlines ayaa dib u bilowday Duulimaadyadii ay ku iman jirtey Magaalada Muqdisho, kadib markii Shalay ay dib uga laabatay Dalka Jabuuti.

Ilo ku dhow Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee Aadan Cabdulle Cismaan e Magaalada Muqdisho ayaa xaqjiiyay in Duulimaadkii Maanta aanu la socon La-taliyaha Amniga Qaranka ee uu magacaabay Farmaajo oo ah Fahad Yaasiin isla markaana kamid ahaa Rakaabkii Duulimadkii Shalay dib looga celiyay Jabuuti, laguna celiyay Turkiya.

War Saxaafadeed Shalay kasoo baxay Af-hayeenka Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Dowladda Jabuuti ay Fahad Yaasiin ku xannibtay Garoonka Diyaaradaha ee Jabuuti, iyadoo ku tilmaamtay ‘mid aan sharci aheyn oo aan sii xoojineyn xiriirka labada dowladood’.

Dowladda Jabuuti ayaa Dhinaceeda iska fogeysay Eedeynta loo soo jeediyay, waxayna dhinaca kale xaqiijisay in dhammaan Dadkii saarnaa Diyaaradda Turkish Airlines dib loogu celiyay Magaalada Istanbul ee Dalka Turkiya oo markii hore uu Duulimaadkani ka yimid.

Xigasho: Jowhar News

 

Leave a Reply