Dagaal Ka Socda Deegaanka Xananbuure

 

18-09-2021

 

CADAADO – Dagaal culus ayaa Haatan ka bilowday Deegaanka Xananbuure ee Gobolka Galgaduud.

Dagaalka ayaa u dhexeeya Laba Maleeshiyo Beleed, kuwaas oo ka soo kala jeeda Magaaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii Maleeshiyaad ka soo jeeda Cadaado ay Qof Shacab ah ay ku dileen Saacado kahor Deegaanka Xananbuure.

Xaalada ayaa ah mid Haatan Kacsan, waxaana la maqlayaa Rasaas aad u culus.

Deegaanka Xananbuure waxaa horay kaga dhacay Dagaal labadaan Beel u dhexeeya.

Xigasho: Radio Kulmiye

Leave a Reply