(UPDATE I) – Sababti Ay Diyaarada Turkish Airlines Ay Maanta U Baajisay Socdaalkii Ay Magaalada Muqdisho Ku Imaan Laheyd

 

17-09-2021

 


This image is used for representational purposes only.

 

JABUUTI (WBW: The GBM) – Warar laga soo xigtay Dad aad loogu kalsoonaan karo oo la xiriiray qaar kamid ah Rakaabkii saarna Diyaaradii Turkish Airlines ee Saakay kusoo socotay Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda ee Muqdisho, ayaa waxey sheegayaan in Diyaarada ay ku hakatay Garoonka Diyaaradaha Calamiga ee Jamhuuriyadda Jabuuti kadib markii ay Howladeenada Diyaarada ay ka warheleen in Ciidamo lagu soo daad-gureeyay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee Aadan Cabdulle Cismaan ee Muqdisho isla markaana u diyaarsanaa iney galbiyaan Agaasimehii Hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Wararka waxey ku dareen in Howladeenada Diyaarada Turkish Airlines ay ka cabsadeen in Degitaanka Diyaarada Turkish Airlines ee Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee Aadan Cabdulle Cismaan ee Muqdisho ay horseedo Iskudhacyo u dhexeeyo Ciidamada Garoonka Diyaaradaha Caalamiga iyo Ciidamada loo diyaariyay iney galbiyaan Fahad Yaasiin isla markaana uu usoo diyaariyay Madaxweynaha Muddo Xilleedkiisa Dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxaa ku xigtay in lagu amro dhamaan Rakaabkii saarna Diyaarada, in ay ka degaan Diyaarada. Hase ahaatee, waxaa diiday in Diyaarada uu ka dego Agasimihii Hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir; waxaana Diyaarada ugu soo galay Ciidanka Jabuuti oo ka dejiyay Diyaaraddii.

Fahad Yaasiin waxaa uu isku dayay in uu raaco Diyaarada Qatar Airways. Hase yeeshee, waa uu suurta geliweyday; wuxuuna ku qasbanaaday inuu raaco Diyaaradii Turkish Airlines ee uu kasoo raacay Dalka Turkiya isla markaana dib ugu noqoneysay Dalka Turkiya.

Wixii War ah ee kusoo kordho, kala soco Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]).

Leave a Reply