Komishanka Xuqaaqal Iinsaanka Somaliland Oo Boorama Kulan Ugu Qabtay Daneeyeyaasha Xuquuqda Iinsaanka Ee Ka Shaqeeya Gobolka Awdal

 

16/09/2021

 

BOORAMA (SOLNA) – Sida uu ku soo waramaayo Wariyaha Wakaaladda Wararka Jamhuuriyadda Somaliland ee SOLNA ee uga soo warama Magaalada Boorama Cabdisalaan Saaha, kulankaas ayaa waxa Mudada uu socdo laga hadli doonaa sidii la isugu xidhi lahaa Daneeyeyaasha Xuquuqda Aadanaha, Ururada Bulshada iyo Ururada Caalamiga ah ee ka shaqeeya Arrimaha la xidhiidha Illaalinta Xuquuqda Aadanaha.

Cismaan Jaamac Ciye Guddoomiyaha Komishanka Xuquuqal Iinsaanka ee Gobola Awdal ayaa dhammaan Xubnaha Kulankaas ka qayb qaadanaaya o soo jeediyay in ay Kulankaas ku lafo- guraan sidii la isku dhaafsan lahaa Xogaha ku saabsan Horumarinta Xuquuqda Aadanaha, waxaanuu intaas ku daray in Arrintaas Komishanka Xuquuqal Iinsaanku ay tahay sidii Wada-shaqayn dhaw Arrimahaas looga yeelan.

Agaasimaha Waaxda Qorshaynta, Cilmi Baadhista iyo Isku-xidhka Daneeyeyaasha Xuquuqal Iinsaanka Somaliland Khadar Maxamed Diiriye ayaa sheegay in Komishankaasi yahay sidii la isugu xidhi lahaa Dhammaan Daneeyeyaasha Xuquuqda Iinsaanka ee Gobolka Awdal ka shaqeeya, waxaanuu intaas ku daray in Arrintaasi kamid tahay Dadaalada Komishanka Xuquuqal Iinsaanka ee ku saabsan sidii loo dhawri lahaa Xuquuqda Bulshada ku nool Gobolkaas.

Ugu dambayn Xoghayaha Gobolka Awdal Muftafe Cabdi Axmed Duu-duu, oo Kulankaasi si rasmi ah u furay ayaa Xubnaha Kulankaas ka qayb qaadanaaya uu u soo jeediyay in Mudada uu socdo ay ku lafo-guraan sidii loo horumarinlahaa Xuquuqal Aadanaha ee Gobolka Awdal, waxaanuu intaas ku daray in Maamulka Gobolkaasi ay soo dhawayn doonaan Qodobada Kulankaas ka soo baxa.

Leave a Reply