Dib U Dhac Ku Yimid Doorashadii Aqalka Sare Ee Maanta Ka Dhici Laheyd Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle

 

16-09-2021

 

JOWHAR – Waxaa soo baxaya warar sheegaya inuu dib u dhac uu ku yimid Doorashadii Aqalka Sare ee ka socotay Magaalada Jowhar.

Dib u dhaca ku yimid Doorashada Aqalka Sare ee Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle
ee Magaalada Jowhar ayaa lala xiriirinayaa Qilaaf soo kala dhex galay Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle iyo Guddoonka Baarlamaanka.

Qilaafkan ayaa waxaa la sheegayaa inuu Salka ku hayaa mid kamid ah Kuraasta, taasoo uu ka biyo-diiday in la qabto Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Hir-Shabeelle Siraaji Shiikh Isxaaq.

Warar ayaa sheegaya in qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Siraaji Shiikh Isxaaq uu Xalay Gacan ka hadal ku dhex maray Magaalada Jowhar, taasoo Cirka ku sii shareertay Qilaafka.

Kursiga uu Qilaafku ka taagan yahay ayaa hore loo qorsheeyay in ay doorashadiisu dhacdo Shalay, hase yeeshee Waqti dambe ayaa dib loo dhigey.

Murashixiinta Kursigan oo kala ah Xasan lidow Muxumed Kobac, Cusmaan Axmed Macow iyo Cabdinuur Ibraahim Nuur ayaa loo arkaa inuu ka dhex jiro Tartan Xoogan.

Doorashada ka socota Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ee Magaalada Jowhar ayaa ah mid Xilliyada Habeenkii la qabto, iyadoo Maalintii oo dhan ay Murashixiinta wadaan Olole ay ku doonayaan inay ku helaan Kalsoonida Xildhibaanada Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ee Magaalada Jowhar .

Xalay waxaa dib loogu doortay Senatarnimo Prof. Cusmaan Maxamuud Maxamed (Dufle) kadib markii uu Wareegii Labaad uu helay Codad gaaraya 68 Cod, isagoo ka guuleystey Murashixiintii la tartamaysay oo kala ahaay Raagge Xasan Cismaan (Xuuti), iyo Danjire Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ay isku Siyaasad yihiin Madaxweynaha Muddo Xilleedkiisa Dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo).

Xigasho: Jowhar News + Xog Ogaalo Kale

Leave a Reply