Danjiraha Soomaaliya Ee Shiinaha Oo Ka Qeyb-galay Shirweyne Caalami Ah

 

16-09-2021

 

BEIJING – Safiirka Soomaaliya u fadhiya Shiinaha Danjire Cawaale Cali Kullane, ayaa ka qayb galay Kalfadhigii 9aad oo ku saabsan Dood-wadaag xoogga lagu saarayay Xiriirka Shiinaha iyo Waddamada Carabta, kaasoo si fogaan arag ah ay aalada Soomka (Zoom) uga qayb galeen Madaxdii lagu casuumay.

Dood-wadaagan oo ay si wada jir ah u soo abaabuleen Wasaaradda Hidaha iyo Dhaqanka ee Dowladda Shiinaha iyo Ururka Jaamacadda Carabta, ayaa waxaa kasoo qeyb galay Madax kala duwan oo ka kala socotay Dowlaha Carabta iyo Shiinaha.

Danjire Cawaale Cali Kullane ooJamhuuriyadda Soomaaliya u fadhiya Dalka Shiinaha oo halkaas Qudbad ka jeediyay ayaa ka sheekeeyay Taariikhda Xaadaradda Shiinaha iyo halkii ay soo martay, isagoo tusaale usoo qaatay Bad-mareenkii waynaa ee Shiinaha Zheng He ee Safar Dhanka Dadda ah ku gaaray Soomaaliya Bilowgii Qarnigii 15aad, kaasoo si diiran Soomaaliya looga soo dhaweeyay.

Sido kale Danjire Cawaale Cali Kullane, ayaa sheegay in Is-dhexgalka Xadaaraha Carabta iyo Shiinaha ay tahay mid muhiim u ah in Dalalkaas ay yeeshaan Xiriir Ganacsi oo dhexdooda ah, sidaa darteedna loo baahan yahay in Shucuubta Dalalkan la baro Dhaqamada iyo Xadaaraha, si isfahan dhan walba ah loo helo.

Xigasho: Radio Shabeelle

Leave a Reply