Warbixin Kusaabsan Qoraal Xambaarasanaa Digniin Culus Oo Wakiiladda Beesha Caalamka Gaarsiiyeen Farmaajo

 

15-09-2021

 

MUQDISHO – Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa Dhamaaday ee DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wajahaya Jahwareer iyo Walaac daran, kaddib markii Digniin Adag ay gaarsiiyay Beesha Caalamka.

Ilo-wareedyo oo lagu kalsoon yahay ayaa Idil News u sheegay, in Wakiillada Beesha Caalamka oo Maalmihii ugu dambeeyay Shirar ku lahaa Xerada Xalane ee Muqdisho ay Talaadadii gaarsiiyeen Farmaajo Dhambaal Xambaarsanaa Digniin Kulul, iyagoona hordhigay Labo Qodob.

Wakiiladda Beesha Caalamka ayaa u sheegay Farmaajo inuu Caqabada ka daayo Howlaha Doorashooyinka iyo Amniga Dalka ama inay ka qaadi doonaan Talaabo Adag, waxaana ay ugu hanjabeen in hadii uu faraha kala bixi waayo ay kusoo rogi doonaan Cunaqabateyn Dhaq-dhaqaaqyadiisa, sidoo kalena ay ka wareejin doonaan Amnigiisa Ciidanka AMISOM.

Waraaqdan ayaa Jahwareer ka abuurtay Madaxtooyadda Filla (Villa) Soomaaliya, waxaana la sheegay in Kulamo looga hadlayay Dhawaqa Kulul ee Beesha Caalamka ay ilaa Xalay Saq Dhexe ka socdeen Xafiiska Farmaajo.

Xigasho: Somali Weyn News

Leave a Reply