Doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare Ayaa Maanta Ka Dhici Doonta Xarunta Hir-Shabeelle

 

15-09-2021

 

JOWHAR – Xildhibaannada Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa waxey Maalintii Labaad oo xiriir ah ay yeelan doonaan Kulan lagu dooranayo Xildhibaano kamid noqdo Aqalka Sare ee Baaralamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xalay waxaa Magaalada Jowhar lagu doortay Saddex Sanoter oo kala ah, Muuse Suudi Yalaxoow, Fartuun Cabduqaadir Karaama iyo Nuur Maxamed Geeedi (Canjeex).

Maanta ayaa waxaa la filayaa in sidoo kale la doorto Saddex Sanoter, si Maalinta Berito ah loo soo geba-gabeeyay Doorashada Aqalka Sare ee Degaannada Hir-Shabeelle.

Murashixiinta soo socdo ayaa waxey ku tartami doonaan Sadex Kursi:

1) Musharax Xasan Iidow Muxumed
2)Musharax Cabdinuur Ibraahim nuur
3) Musharax Cismaan Axmed Macow

1)Musharax Cismaan Maxamuud Dufle
2)Musharax Maxamuud Axmed Nuur tarsan
3) Musharax Raage Xasan Xuute

1) Musharax Cali Shacbaan Ibraahim
2) Musharax Caballe Xuseen Cabdi
3) Musharax Caasho Xuseen Abuukar
4) Musharax Cabdulahi tawaad
5) Musharax Cabdiqaadir Xanafi

Xigasho: Daafeet News

Leave a Reply