Mar Kale  Ayaa Muuse Suudi Yalaxow Loo Doortay Senator Katirsan Aqalka Sare Ee Baarlamaanka Soomaaliya

 

14-09-2021

 

JOWHAR – Magaalada Jowhar ee Xarunta Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa waxaa lagu soo gaba-gabeeyay Wareega Saddexaad ee Kursigii ugu horreeyay ee Doorashada ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee laga soo doorto Deegaanada Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle.

Wareega saddexaad ee Doorashada ayaa waxaa ku tartamay Laba Murashax oo kala ah Muuse Suudi Yalaxow iyo Axmed Xasan Caddow (Axmed Daaci), kuwaasi oo kusoo baxay Wareegii Koowaad ee Doorashada ka socotay Magaalada Jowhar.

Murashax Cabdullaahi Shiikh Xasan oo isna kusoo baxay Wareegii Koowaad ee Doorashada ayaa ku haray Wareegii Labaad, isagoona tanaasulay, wuuxuna markii hore helay Codad gaaraya 15 Cod; halka Dr. Caddaay oo helay 2 Cod uu isna ku haray wareegii koowaad.

Xildhibaanada Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa Muuse Suudi Yalaxow u doortay inuu mar kale kamid noqdo Senatorada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee laga soo doorto Deegaanada Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle, wuxuuna helay Codad gaaraya ilaa iyo 55 Cod, halka Axmed Xasan Caddow (Axmed Daaci) uu helay 43 Cod.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed ayaa ku dhawaaqay Natiijada Doorashadii ka dhacday Magaalada Jowhar, wuxuuna shaaciyay in Muuse Suudi Yalaxow uu ku guuleystay Kursigii ugu horreeyay ee Aqalka Sare ee laga soo doorto Deegaanada Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle.

Xigasho: Hiiraan Weyn News

Leave a Reply