Loffeen ( Lofven) : ”Kaddib Guusha Noorwee (Norway), Iskaandinaafiya (Scandinavia) Waxaa Xukuma Xisbiyada S (Socialdemokraterna: The Social Democrats)”

 

14/09/2021

 


Doorashada Noorwee (Norway) | Sawir (Photo): Javad Parsa/NTB

 

STOCKHOLM – Dalka Noorwee (Norway) waxaa Taladii la wareegey Hoggaanka Xisbiga Shaqaalaha ee Jonaas Gahr Isto’re (Jonas Gahr Store).

Waxaa Hambalyo dirtay Wasiir Koowaaddii Hore, Erna Solbeerg (Erna Solberg) oo Guuldarrada ku qiratay Khudbad ay u jeedisey Xisbigeeda Muxaafidka ah ee Midigta (Høyre: Right) oo helay 20.4%, halka uu ka guulaystey Xisbiga Shaqaalaha (Arbeiderpartiet: Labor Party) oo urursaday 26,1%.

Wasiir Koowaadka Iswiden (Sweden), Isteefan Loffeen (Stefan Lofven) ayaa u hambalyeeyey WK Cusub ee Noorwee (Norway) Jonaas Gahr Isto’re (Jonas Gahr Støre) oo uu Saaxiibkii ku tilmaamay, isagoo sheegay in Haatan ay Iskaandinaafiya (Scandinavia) ka taliyaan Xisbiyada Shaqaalaha (S).

Xigasho: Radio Sweden, Somali Section

Leave a Reply