Jeneraal Muungaab Oo Ka Dhawaajiyay In Xeer Ka Boodo Tahay Guddigii Uu Farmaajo U Magacaabay Kiiska Ikraan Tahliil Faarax

 

14-09-2021

 

MUQDISHO (WBW: The GBM) – Duqii Hore ee Magaalada Muqdisho isla markaana ahaa Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Banaadir Jeneraal Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa lagu soo waramayaa inuu ka hadlay Guddigii uu dhawaantan magacaabay Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa Dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) isla markaana uu Guddigaasi u magacaabay Kiiska Sarkaalad Ikraan Tahliil Faarax oo ay NISA afduubtay 26-dii Juunyo ee Gugan 2021-da..

Jeneraal Muungaab oo soo saaray Qoraal uu kaga hadlayo Guddigii uu Farmaajo u magacaabay Kiiska Sarkaalad Ikraan Tahliil Faarax, ayaa wuxuu sheegay in Guddiga uu Farmaajo magacaabay ee uu u xilsaaray Baaritaanka Kiiska Sarkaalad Ikraan Tahliil Faarax, in uu yahay mid Sharci-darro ah oo lagu doonayo in lagu hor-istaago Garsoorka iyo habsami u socodka Dacwadda Kiiska Sarkaalad Ikraan Tahliil Faarax.

Mahaan (Halkaan) hoose aa (Ayaa) laga aqrisan karaa Qoraalka uu soo saaray Jeneraal Xasan Maxamed Xuseyn (Muungaab).

Sharci ahaan, marxuumad: Ikraan waxay ahayd sarkaalad ka tirsan Ciidanka Hay’adda NISA, sidaas daraateed, Qaadista Dacwada kiiskeeda waxay u gaar tahay (Ikhtisaas u leh) Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, sida ku cad Qodobka 2-aad ee XHCCQS.

Xeerilaaliyaha Guud ee CQS wuxuu u dhigmaa Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka wixii la xiriira Xubnaha Ciidamada Qalabka Sida, sida ku cad Qodobka 1-aad ee Isla Xeerka HCCQS.

Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka sida ayaa si rasmi ah u furtay Gal dacwadeed ku saabsan kiiska Ikraan Tahliil 07/09/2021, kadib markuu Qareenka Qoyska Dhibanah ha ow u gudbiyay Cabasho lidi ku ah 3 ka mida mas’uuliyiintii sare ee hay’adda NISA. Gal-Dacwadeedkiina sidaas ayuu uga hor furmay Maxkamaddii gaarka u lahayd kiiska.

Intaas kadib, ma jirto cid faragelin karta kiiska maxkamadda yaalla oo aan isla Maxkamadda CQS ahayn, sidaas daraateed Guddiga uu magacaabay Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ee Maxamed Farmaajo waa Sharci darro waana is hortaag qaawan oo uu ku sameeyay Caddaaladda iyo habsami u socodka Dacwadda.

Tallaabada Farmaajo waa fal dembiyeed maadaama lagu dhaawacayo habsami u socodka Caddaalada ee Kiiska Ikraam Tahliil.

Ma jirto meel uu Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka kasoo geli karo kiiska Ikraan, waana inuu faraha kala baxaa, una hoggaansamin Guddiga Villa Somaliya laga soo magacaabay ee sharci darrada ah, haddii kale wuxuu qeyb ka noqonayaa fal dembiyeedka lagu hor istaagayo cadaaladda.

Xeer ilaalinta iyo Maxkamadda ciidamada Qalabka Sida waxaa saaran mas’uuliyad Qaran iyo mid akhlaaqi ah, waana inay dhaqaajiyaan kiiska Ikraan Tahliil, iyaga oo kaliya ku dhaqmaya sharciga ee aan eegaynin dano gaara.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa wararka caalamka, gaar ahaana Wararka Jamhuuriyadda Soomaaliya (Siiba Gobolkii Banaaddir: Shabeellaha Hoose, Muqdisho & Shabeellaha Dhexe), Jamhuuriyadda Somaliland, Jamhuuriyadda Jabuuti, Degaanka Soomaali Galbeed, iyo Degaanka NFD (Northern Frontier Districts).

Leave a Reply