Dagaal Maanta Ka Dhacay Duleedka Magaalada Kismaayo

 

14-09-2021

 

KISMAAYO – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qasaaraha ka dhashay Dagaal u dhexeeyey Al-Shabaab iyo Ciidamada Dowlad Goboleedka Jubbaland oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay Dukeedka Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ee Koonfurta Dalka Soomaaliya.

Dagaalka ayaa yimid, kadib Weerar ay Dagaalyahanada Al-Shabaab ku qaadeen Saldhig Ciidanka Dowlad Goboleedka Jubbaland ay ku leeyihiin Deegaanka Cabdalle Biroole ee Gobolka Jubbada Hoose ee Dalka Soomaaliya.

Ilo Dadka Deegaanka ah ayaa sheegay in Labada Dhinac ay Dagaalka isku adeegsadeen Hubka noocyadiisa kala duwan, isla-markaana uu jiro Qasaare isugu jiro Dhimasho iyo Dhaawac, balse aan la caddeyn karin, inta uu la’egyahay.

Sidoo kale, Saraakiil katirsan Ciidanka Dowlad Goboleedka Jubbaland oo ka hadlay Dagaalkaas ayaa shaaciyey inay iska caabiyeen Weerarka lagu soo qaaday, ayna Qasaare gaarsiiyeen Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa Haatan deggan, waxaana Goobihii lagu dagaalamay ku sugan Ciidamada Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo kuwa Kenya oo Dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabay halkaasi.

Xigasho: Radio Shabelle

Leave a Reply