Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen Ayaa Dib Ugu Noqday Xaruntiise

 

13-09-2021

 

BAYDHABO (WBW: The GBM) – Xarunta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Baydhabo ayaa laga soo sheegayaa Ergo uu hogaaminayay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Cabdicasii Lafta-gareen) iney dib ugu noqdeen Magalaada Baydhabo oo ah Xarunta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Warka wuxuu ku daray in Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee Magalaada Baydhabo lagu soo dhaweeyay, waxaana kusoo dhaweeyay Wasiiro, Xildhibaano, Maamulka Gobolka Baay, Maamulka Magaalada Baydhabo, Cutubyo katirsan Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, iyo Bulshada ku dhaqan Magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasii Lafta-gareen ayaa wuxuu Maalmihii ugu dambeeyay uu ku sugnaa Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Muqdisho, isagoona kaashanayay Madaxweynaha Dowad Goboleedka Gal-Mudug Axmed Cabdi Kaariye (Axmed Qoor-qoor); si markaasi ay u heshiisiiyaan Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa Dhamaaday ee Farmaajo iyo Wasiir Koowaadka Dowladda Xigaarsiinta Soomaaliya ee Rooble. Ha yeeshee, Dadaalka ay isla wadeen isaga iyo Qoor-qoor, waxaa uu ku dhamaaday Fashil.

Mugga Maanta uu isaga iyo Ergadii uu horkacayayba, ay dib ugu noqdeen Magaalada Baydhabo oo aheyd Magaalo Madaxda Gobolkii Jubbada Sare markii ay Soomaaliya aheyd Demoqaraadiga.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa wararka caalamka, gaar ahaana Wararka Jamhuuriyadda Soomaaliya (Siiba Gobolkii Banaaddir: Shabeellaha Hoose, Muqdisho & Shabeellaha Dhexe), Jamhuuriyadda Somaliland, Jamhuuriyadda Jabuuti, Degaanka Soomaali Galbeed, iyo Degaanka NFD (Northern Frontier Districts).

Leave a Reply