WK Rooble Oo Faray Wasiir Beyle In Aan Wax Lacag Ah Laga Bixin Qasnadda Dowladda

 

12-09-2021

 

MUQDISHO – Wasiir Koowaadka Dowladda Xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseyn Rooble ayaa Amar ku bixiyay in aan wax Qarash ah laga bixin karin Lacagta Hey’adda IMF ee Qoondada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee loo yaqaan SDRs, iyadoo aan Ogolaansho laga heysan Xafiiska Wasiir Koowaadka.

Qoraal loo diray Wasaaradda Maaliyadda ayaa waxaa la faray in Mushaarka Ciidamada iyo Shaqaalaha, Raashinka Ciidamada, Mashaariicda iyo wixii kale ee Qarash lagama maar-maan u ah Adeega Dowladda, waa in ay marka hore Mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda ay Ogolaansho ka helaan Wasiir Koowaadka Dowladda Xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseyn Rooble.

Halkan hoose waxaa laga aqrisan karaa Qoraalka Wasiir Koowaadka Dowladda Xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseyn Rooble.

Xigasho: Daafeet News

 

Leave a Reply