Qof Soomaali Ah Oo Shan Qof Ku Dhaawacay Weerar Uu Ka Geystay Dalka Itaaliya

 

12-09-2021

 

RIMINI, Itaaliya – Qof Soomaali ah ayaa Xalay Shan Qof ku dhaawacay Weerar Tooreey loo adeegsaday oo ka dhacay Magaalada Rimini oo katirsan Gobolka Emilia-Romagna ee Dalka Itaaliya, sida ay uu qoray Wargeyska Corriere di Bologna.

Eedeysanaha oo 26 Jir ah ayaa ku safrayay Tikidh la’aan, isagoo saaran Bas ka yimid Riccione kuna socday Rimini.

Wuxuu markii hore Mindi ku weeraray laba Haween ah oo hubinayey Tikidhada. kadibna wuxuu dhaawacay Saddex Qof oo Rakaab ahaa oo uu ku jiray Wiil 5 Jir ah, kahor inta uusan ka degin Gaariga.

Booliska ayaa xiray Eedeysanaha kadib markii uu isku dayay inuu Cagihiisa ku baxsado.

Sida laga soo xigtay Corriere di Bologna, Eedeysamaha ayaa u muuqda inuusan wax xiriir ah la lahayn Ururada Argagixisada ama Xagjiriinta, waxeyna Baarayaashu hubinayaan inuu isticmaalayay Maandooriye.

Qofkan Soomaaliga ah ayaa dhowaan Yurub yimid, wuxuuna dhowr Bilood ka hor dalbaday Qaxootinimo.

Xigasho: Hiraan Online

Leave a Reply