Degaano Ay Ciidanka DANAB Kala Wareegeen Al-Shabaab

 

12-09-2021

 

Ciidanka Kumaandooska DANAB ee Xooga Dalka Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay Howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka fuliyeen Degaano katirsan Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Saraakiisha Howlgalka hoggaamineysay ayaa waxaa ay sheegeen inay la wareegeen Degaannada kala ah, Ceeldheer Macalin, Jameeclo Jiliyaale, Gamboole, Masiirey iyo Boqol Gaani oo ka wada tirsan Goboka Shabeellaha Dhexe.

Sidoo kale Saraakiisha Ciidanka DANAB ayaa waxaa ay sheegeen in Howlgalka ay ku bur-buriyeen Maxkamad ay lahaayeen Al-Shabaab, Goobo ay Dadka Lacagaha uga qaadi jireen, Isbitaal ay Xubnaha katirsan ku daaweyn jireen iyo Goobo kale.

Ciidanka Kumaandooska DANAB ee Xooga Dalka Soomaaliya oo Howlgalkooda sii wata ayaa waxey gaareen Degaanka Fiidow oo ku yaal Xadka kala qeybiya Gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan oo awood badan ay ku lahaayeen Al-Shabaab balse ay Ciidamada Dowladda ay deg-deg kula wareegeen.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidanka Kumaandooska DANAB ay weli Howlgallada ka wadaan Degaannada katirsan Gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, halkaas oo mararka qaar ay Weeraro kasoo qaadi jireen Al-Shabaab.

Xigasho: Somali Weyn News

Leave a Reply