Wasiir Kamid Ah Kuwa Ugu Waaya Aragsan Dalka Iswiden (Sweden) Oo Siyaasadda Ka Baxaya

 

11/09/2021

 

Ibrahim Baylan | Foto: Erik Simander /TT

 

STOCKHOLM – Wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaha Ibrahim Baylan ayaa siyaasadda ka baxaya Bisha Nofeembar.

– Waxaan Booska u bannaynayaa qof kale, ayuu Ibrahim Baylan ku yiri Ekot (Radio-ga Iswiden ee tabiya Wararka Dalka Iswiden).

Ibrahim Baylan ayaa ahaa Wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaha tan iyo 2019kii. Wuxuu kaloo soo qabtay Xilalka Wasiirka Tamarta iyo Iskaashiga, iyo Wasirka Waxbarashada oo uu ka noqday Xukuumaddii RW Goran Persson oo talinaysey 2004ti-2006di.

Isha Warkan: Radio Sweden, Somali Section 

Leave a Reply