Shir U Dhexeeya Rooble Iyo Farmaajo Oo Madaxtooyada Ka Furmay

 

11-09-2021

 

MUQDISHO (WBW: The GBM) – Waxaa lagu soo waramayaa in tan iyo Shalay ay degganeyd Xaaladda Siyaasadeed ee Magaalada Muqdisho kadib markii Dedaallo Dhex-dhexaadin ah oo la isugu soo dhaweynayo Wasiir Koowaadka Dowladda Xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseyn Rooble iyo Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa Dhamaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo ay u tafaxeyteen Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Gal-Mudug iyo Koonfur Galbeed oo kala ah Qoor-qoor iyo Lafta-gareen.

Warka wuxxuu ku darayaa in goor dhaweyd uu Kulan u dhexeeya Wasiir Koowaadka Dowladda Xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseyn Rooble iyo Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa Dhamaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu ka furmay Xarunta Madaxtooyada Qaranka Soomaaliya.

Qilaafka ka dhexeeyo Wasiir Koowaadka Dowladda Xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseyn Rooble iyo Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa Dhamaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa sii xoogeystay markii uu Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa Dhamaaday ee Farmaajo uu Wareegto ku magaacabay Taliyihii Shaqo Joojinta lagu sameeyay ee NISA (Fahad Yaasiin Xaaji Daahir) isla markaana uu Farmaajo ka dhigtay La-taliyihiisa Amniga Qaranka.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa wararka caalamka, gaar ahaana Wararka Jamhuuriyadda Soomaaliya (Siiba Gobolkii Banaaddir: Shabeellaha Hoose, Muqdisho & Shabeellaha Dhexe), Jamhuuriyadda Somaliland, Jamhuuriyadda Jabuuti, Degaanka Soomaali Galbeed, iyo Degaanka NFD (Northern Frontier Districts).

 

Leave a Reply